Madaxweyanha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya oo kulan ku yeeshay Addis Ababa

Posted on 18/04/2011

1



Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula kulmay ra’iisul wasaaraha dalkaas Meles Zenawi, iyagoo ka hadlay xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan dhinaca ammaanka.

Sheekh Shariif ayaa ka codsaday ra’iisul wasaaraha Itoobiya in xukuumaddiisa inuu xoojiyo taageerada uu siisyo Soomaaliya si dowladdu ay ugu guuleysato inay soo celiso ammaanka iyo kala dambeynta dalka muddo dheer kaddib.

Taageerada ayaan la sheegin nooceeda, iyadoo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Zenawi uu sheegay inuu sii wadi doono taageerada uu siiyo Soomaaliya, si nabadda iyo ammaanka loo soo celin lahaa, iyadoo Itoobiya ay laba sano faragelin milateriga ku sameysay Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa warfidiyeenka ugu sheegay Addis Ababa kaddib markii uu soo dhamaaday shirkii uu la yeeshay Zenaw in labada dal ay xoojin doonaan xiriirkooda ayna si wadajir ah uga shaqeyn doonaan xaqiijinta ammaanka gobolka bariga Afrika.

“Dowladda KMG waxay dadaal xooggan ugu jirtaa sidii ay ammaanka iyo nabadda kusoo celin lahayd,” ayuu Sheekh Shariif wariyeyaasha u sheegay, isgaoo xusay in Soomaaliya ay uga baahan tahay dalalka gobolka ku yaalla taageero dhinac walba leh.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa wariyeyaashii uu la hadlay u sheegay in kulankii isaga iyo Meles Zenawi dhexmaray uu kusoo dhammaaday qaab isfaham leh oo miro dhal ah.

Maxamed Xaaji Xuseen,

Source: Hiiraan Online

Posted in: African papers