Raila Odinga: Eastleigh (Islii) waxaa kasoo xarooda canshuur farabadan waana dhisaynaa jidadkeeda

Posted on 11/05/2011

1



Arboco, May 11, 2011 (HOL) – Ra’iisul Wasaaraha dalka Kenya Mr. Raila Odinga ayaa maanta booqasho saacado ah ku joogay xaafadda Eastleigh (Islii) ee Soomaalidu ay dagantahay ee magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Booqashadan oo isugu jirtay ole-olaha doorashada oo uu ku taageerayay  musharraxa xisbigiisa ODM ka socda ee Ibraamim Axmed Johnnie iyo indha-indhayn uu xaafadda ku samaynayay ayaa Ra’iisul wasaaruhu waxaa uu xariga ka jaray Grand Royal Hotel oo ah Hoteelkii ugu caalamisanaa ee laga dhiso xaafadda Easleigh ee Soomaalidu ay leedahay.

Ra’iisul Wasaaraha oo intii uusan Hotelka tagin cagta mariyay qaybaha deegaanka Kamakunji oo Islii ay ka tirsantahay ayaa dadweynaha ka codsaday in doorashada dabayaaqada bishan dhici doonta ay u codeeyaan Ibraahim Johnnie oo uu ku tilmaamay inuu yahay qofka  kaliya ee wax ka qaban kara daryeelka dadka ku nool xaafadda Islii iyo guud ahaanba deegaanka Kamakunji.

Markii uu gudaha u soo galay Hotelka Grand Royal oo ra’iisul Wasaaraha lagu qaabilay ayaa waxaa bilowday sacab iyo mashxarad iyadoo fanaaniin Soomaaliyeed oo labisan calanka qaranka ee Jamhuuiradda Soomaaliya Ra’iisul Wasaaraha ay ku  soo dhaweeyeen erayo ay ka mid yihiin “Raila Karibu” iyo “ Raila juu” oo macnaheedu yahay “soo dhawoow Raila” “Kor ahow Raila”. Kooxda fanaaniinta Soomaalida ah ayaa halkaas ku soo bandhigay madadaalo iyo riwaayado loogu tala galay  marti sharafta.

Raysal Wasaare Odinga oo sidii lagu yaqaanayba ka qosliyay dadweynihii halkaas joogay ayaa u ballan qaaday Soomaalida Islii in loo dhisi doono waddooyinka loona samayn doono tuubooyinka bullaacadaha qaada iyo meelaha biyuhu ay ku xaroodaan , mashruucaan oo ay ku bixi doonto lacag dhan  4 Bilyan oo shilin Kenya ah.

Waxaana Ra’iisul Wasaaraha aad loogu sacbiyay markii uu ammaan u soo jeediyay Soomaalida oo uu sheegay inay maalgalin wayn ka samaysteen Kenya , isagoo sidoo kalana gobolka Soomaalida ee waqooyi bari ku tilmaamay inuu yahay mid ka mid ah gobollada ugu baaxadda wayn dalka.

Mr. Odinga masoo qaadin arrinta ammaanka iyadoo madaxda Kenya ay maalmihii ugu dambeeyay walaac  ka muujinayeen hanjabaadaha uga imaanaya ururka Alshabaab oo ka arrimiya qaybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa socdaalkiisa ku weheliyay  Wasiirro iyo xildhibaano ka tirsan xisbigiisa ODM iyadoo gudiga ganacsatada ee xaafadda Isliina ay  kaalin wayn ka qaateen soo dhawayntiisa. Maahan markii ugu horreysay oo raysal Wasaaraha Kenya Raila Odinga uu ballanqaadyo noocaan oo kala ah u sameeyo dadka Islii oo la daalaa dhacaya nadaafad darro iyo wadooyinka oo burbursan, balse waxaa uu Mr. Odinga markaan uu ballanqaaday in mashruuca dib u habaynta bilicda Islii la bilaabi doono inta aan la gaarin doorashada guud ee dalka ka dhici doonta sannada 2012.

Axmed Cabdisamad Cilmi, Hiiraan Online

Source: Hiiraan.com

Advertisements
Posted in: African papers