Danjire Augustine Mahiga:”Ciddii diidda Khariidadda Nabadda (Roadmap) tallaabo ayaa laga qaadayaa”(UN Governor-General Augustine Mahiga Will punish any politician who opposes RoadMap)

Posted on 29/11/2011

0



Ergayga xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay uga wakiilka ah arrimaha Soomaaliya, danjire Augustine Mahiga ayaa sheegay in ciddii ka hortimaada qorshaha Roadmap-ka ay tallaabo ka qaadi doonaan, wuxuuna sheegay in qorshahan uu ka dhashay heshiiskii Kampala ay ku gaareen madaxda DKMG ah.

Danjire Mahiga ayaa sidoo kale sheegay in qodobbada ugu horreeya ee qorshahan laga hirgelinayo ay yihiin dhameystirka dastuurka iyo dib u habeynta baarlamaanka Soomaaliya, isagoo sheegay in labadan qodob ay yihiin kuwa ugu muhiimsan.

“Roadmap-ka waxaa laga ansixinayaa shirka Midowga Afrika ee ka dhacaya dalka Burundi. Ciddii diidda Khariidadda Nabadda (Roadmap) tallaabo ayaa laga qaadayaa,” ayuu yiri Mahiga oo sheegay in heshiiskii Kampala oo qorshana uu ka dhashay horay looga ansixiyay baarlamaanka Soomaaliya.

Qorshaha khariidadda nabadda (Roadpam) ayaa waxaa lagu gaaray shirkii bishii September ka dhacay, kaasoo ay ka qaybgaleen dowladda KMG ah, Puntland, Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, waxaana saxiixay xubnihii shirkaas ku matalayay dhinacyada ka qaygbalay.

Dhanka kale, dajire Mahiga wuxuu ku boorriyay dhinacyada Soomaaliya inay xil weyn iska saaraan sidii lagu hirgelin lahaa qorshahan oo uu sheegay inuu horseed u noqonayo in Soomaaliya ay ka baxdo xilliga KMG ah.

Augustine Mahiga ayaa hadalladan ku sheegay khubad uu ka jeediyay gabgabadii shir socday saddex maalmood oo looga hadlayay meel-marinta Roadmap-ka kaaoso shalay ka dhacday xarunta garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online 29.11.2011

The emphasis in the title is added

Advertisements
Posted in: African papers